Al Shabaab oo kahor timi heshiiska Addis Ababa
Muqdisho January 02, 2024 (QJ) -Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamed Raage (Cali Dheere), ayaa si adag uga hadlay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ay shalay ku kala saxiixdeen Addis Ababa.
Wuxuu dhaliilay heshiiskaas, wuxuuna caddeeyay inaan la aqbali karin in Itoobiya ay sheegato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid khiyaano ah.
Sheekh Cali Dheere ayaa wacad ku maray inay la dagaalami doonaan heshiisyada noocaan ah, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska caabiyaan in lagu haysto bad iyo xeeb.
Sidoo kale, waxa uu weerar culus ku qaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyay inuu khiyaamaynayo shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale si kulul u cambaareysay heshiiskii Addis Ababa.