|

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaliilay heshiiskii SL iyo Ethiopia

Muqdisho January 02, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka kaga hadlay faragelinta Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee dalka, ka dib heshiiskii ay Somaliland dhawaan la gashay.. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in labada dal [Soomaaliya & Soomaaliya] Itoobiya] waxa ay ahaayeen deris qarniyo badan, wadaaga taariikh dheer oo ku suntan colaad iyo iskaashi. Waxa uu ku nuux-nuux saday in heshiiskii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu meel ka dhac ku yahay Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan difaaca midnimada Qaranka iyo wadajirka dowladnimada. Wuxuu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta fikradaha is-diidan, wuxuuna shacabka u soo jeediyay inay si firfircoon uga qayb qaataan ilaalinta midnimada qaranka iyo amniga dalka.

Qudbada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa saacado kadib markii ay Itoobiya shaacisay in maamulka Somaliland uu saxiixay heshiis muran badan dhaliyay oo sharci ahaan shaki badan dhaliyay kaas oo soo jeedinaya in saldhig ciidan laga sameeyo xeebaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed