66 Xildhaan oo ay ku jireen reer Khaatumo oo la dhaariyay
Garoowe January 01, 2024 (QJ) -Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo ay ku jiraan qaar ka soo jeeda SSC-Khaatumo ayaa maanta lagu dhaariyay xaruntooda magaalada Garoowe, iyadoo munaasabadaasi ay ka qeyb galeen xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka iyo mas’uuliyiin kale.
Dhaarinta 66 xildhibaan ka dib ayaa Xasan Cabdalla Xasan oo horay u soo noqday duqii degmada Boosaaso waxaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale, kulan gaar ah ayaa ka dhacay magaalada Garowe, kaasoo ay ka qayb-galeen qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee mucaaradka, kuwaasoo diiday liiska xubnaha cusub ee shalay la dhaariyay.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha KMG ee dhawaan la doortay. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ay si hufan u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo oo ay ka mid yihiin ka qeybgalka doorashooyinka soo socda ee Guddoonka Golaha Shacabka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Musharixiinta mucaaradka ayaa ku andacoonaya in xubnaha la dhaariyay aysan ahayn kuwii markii hore lagu heshiiyey, waxayna cadeeyeen inaysan aqoonsan doonin xubnahan oo ay isu diyaarinayaan doorasho.
Warka kasoo yeeray mucaaradka ayaa sheegaya in xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Puntland ay sii xoogeysanayaan, iyadoo dadka mucaaradku ay muujinayaan inaysan ku qanacsanayn arrimaha soo kordhay, waxayna su’aal ka keeneen sharci ahaanshaha xubnaha la dhaariyay.