Muuse Biixi oo Addis Ababa looga yeeray
Addis Ababa December 31, 2023 (QJ) -Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha xilka ka degaya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Demeke Mekonen iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxtooyada Somaliland, ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saartay socdaalka Muuse Biixi ku sheegtay in Muuse Biixi iyo xubnaha weftigiisu ay si rasmi ah martiqaad uga heleen Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Biixi iyo Abiy ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimo kala duwan oo aan la shaacin waxa ay yihiin inta ay ku sugan yihiin Addis Ababa.
Booqashadan ayaa buuq iyo sawaxan ka dhalisay baraha bulshada, waxaana ay ku soo beegantay saacado yar kadib markii dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo wada hadaladii labada dhinac.