|

Mucaaridka Puntland oo ka horyimi in xildhibaano ka soo jeeda SSC-Khaatumo la dhaariyo

Garoowe December 27, 2023 (QJ) -Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimada Puntland ayaa go’aan ku gaaray in Baarlamaanka Maamulkaas lagu soo koobo 49 Xildhibaan, kadib kulan gaar ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxa ay ku sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Musharixiinta mucaaradka ayaa isku raacay in doorashada madaxweynaha Puntland ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay oo ku beegan 8-Jan-2024 oo ay ku tartamayaan 49 xildhibaan, ayna ka maqan yihiin wakiillada SSC-Khaatumo sida ay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen.

15-ka xubnood ee golaha musharixiinta mucaaradka ayaa sidoo kale uga digay madaxweyne Deni iyo guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka inay sii wadaan doorashada iyadoo aan heshiis la gaarin.

Comments are closed