|

Al Shabaab oo 80 looga dilay Mudug

Muqdisho December 27, 2023 (QJ) -Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in ka badan 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen dagaal socday 48-saac oo ka dhacay deegaanada Caad iyo Baraag Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Jeneraal Dayax oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Galmudug iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay Al-Shabaab kula dagaalameen deegaano ay muddo dheer gacanta ku hayeen kooxda mintidiinta ah. Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa xoreynta deegaanadaasi, isla markaana meesha looga saarayo khataraha joogtada ah ee Al-Shabaab.

Waxa uu carabka ku dhuftay in guulo la taaban karo laga gaaray dib u soo celinta goobihii istiraatijiga ahaa ee maleeshiyaadka, isagoo ku tilmaamay goobaha la xoreeyay inay ahaayeen goobo muhiim ah oo Al-Shabaab ay u adeegsan jireen qorsheynta iyo weerarada. Jeneral Dayax ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sugidda amniga, islamarkaana ay sii wadi doonto dadaallada ay kaga hortagayso falalka kooxaha nabddiiidka ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay socdaan dadaallo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa gobolka iyo kuwa deegaanka si loo wiiqo awoodda Al-shabaab ee gobollada dalka.

Comments are closed