Dagaalyahano Tiro badan oo Al Shabaab looga dilay Jubaland iyo Galmudug
Gaalkacayo (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal balaaran ah oo maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaan hawdka ah ee Jeex Jeexa oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Cadaleey ee gobolka Mudug.
Deegaanka oo ku yaal koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in ay maamulayeen shaqsiyaad gacan saar la leh Al-Shabaab.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay 55-dagaalyahan oo isugu jira saraakiil iyo maleeshiyaad xiriir la leh kooxda.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Aboodin ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhashay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Jubbaland iyo qaar caalamiga ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Ilo Wareedyo ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ay ku dileen in ka badan 70 ka tirsan Al-Shabaab.
Xiisadan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii ciidamada Kumaandooska 16-aad iyo kuwa Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Aboodin, waxaana la sheegay in halkaasi ay kula kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa socday saacado badan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaarado dagaal ay ka qeyb qaateen taakuleynta ciidamada dhulka.
Deegaanada Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka socday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo guulo la taaban karo laga gaaray deegaanada goboladaasi.
Waxaa xusid mudan in 17-kii maalmood ee lasoo dhaafay howlgalo lagu dilay hogaamiyihii caanka ahaa ee Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ayman, kaasi oo lagu dilay magaalada Jilib.