|

Mashruuca Xanaanada Xoolaha oo lagu daahfuray Muqdisho

Muqdisho December 23, 2023 (QJ) -Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya

Mashruucan ayaa waxaa si wada jir ah u daahfuray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta. Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedyada dalka iyo marti sharaf kale.

Mashruucan oo uu maalgelinayo bangiga horumarinta Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta qaybaha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan xoolaha oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka ee xoolaha, tallaalka, biyo-gelinta, iyo guud ahaan hagaajinta maamulka xoolaha.

Qorshahan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono kobcinta nolosha bulshada Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saarayo dhaqamada kala duwan ee xoolodhaqatada dalka.

Comments are closed