|

ATMIS oo SNA KU wareejisay xero ciidan

Baladweyne December 21, 2023 (QJ) -Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay saldhigga howlgalka ee deegaanka Qorillow ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wareejintan ayaa qeyb ka ah wajigii labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo gaaraya 3,000 oo askari, taasoo qeyb ka qaadaneysa dadaalada ciidamo dhimista ee socda.

Saraakiisha ATMIS ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamada xoogga dalka ayaa la wareegay xarumihii horay loogu dhisay ciidamada ATMIS-ta ee dalka. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay bilaabeen inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga caasimadda Muqdisho.

Qaraar uu soo saaray golaha amaanka ayaa faraya howlgalka ATMIS-ka in la dhameystiro wajiga labaad ee dhimista ciidamada Soomaaliya bishan December.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dib u qalabeyso ciidamadeeda kadib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka.

Comments are closed