|

Khilaafkii Doorashooyinka Puntland oo la xaliyay

Garoowe December 19, 2013 (QJ) -Maanta waxaa shir ku dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka Xukuumadda Axmed Cilmi Cisman Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, waxaana la isku afgartay khilaafkii doorashada Puntland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, madaxdu waxay isla garteen in guddiga uu madaxweynuhu u magacaabay ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiillada ee dawladda Puntland sida uu yahay loo daayo, isla markaana doorashada 6-aad ee baarlamaanka la qabto. lasoco habraaca Baarlamaanka 5-aad oo waqtigoodu dhamaanayo December 31, 2023.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Madaxdu waxay kula dardaarmeen guddiga in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda shaqo, si waafaqsan habraaca soo jireenka ah ee soo xulista 66-ka xildhibaan ee markaasi dooran doona madaxweyne iyo ku xigeenkiisa. Madaxdu waxay kalsooni ku muujiyeen in guddigu uu si hawlkarnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo.

Comments are closed