|

Shiinaha oo million Dollar ugu deeqay dadka ku barokacay fatahaadaha

Muqdisho December 19, 2023 (QJ) -Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) ayaa maanta lacag dhan $1,000,000 ka gudoomay dowladda Shiinaha, kadib munaasabad muhiim ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

SODMA ayaa horay u shaacisay in ay u baahan tahay gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah, taasi oo muujineysa in aysan heysan dhaqaalihii loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha sii kordhaya ee dadka dhibaateysan. Maanta, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadcelisay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, H.E. Fei Shengchao.

Lacagtan waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen cawaaqib xumada ka dhalatay xaaladaha El-Niño, sida uu sheegay guddoomiye Maxamuud Macallin.

Dowladda Shiinaha ayaa horey deeqo badan u siisay dowladda Federaalka, gaar ahaan wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka jira deegaanada Jubbaland. Xilligan Soomaaliya waxaa ka taagan dhibaatooyin daran oo ay ka mid yihiin fatahaado iyo barakac, kuwaasoo horseeday xaalado bini’aadantinimo oo ka jira meelo kala duwan oo dalka ah.

Comments are closed