|

Soomaaliya oo ladagaalameysa sinaan la’aanta iyo Saboolnimada

Muqdisho December 17, 2023 (QJ) -Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay shir lagu soo bandhigayay qorshaha dowladda ee ku aaddan ka hortagga saboolnimada iyo yareynta sinnaan la’aanta qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo dhimi lahaa saboolnimada iyo sinnaan la’aanta, iyadoo xoogga la saaray hindisayaasha Dowladda Dhexe ee wax ka qabashada faqriga iyo sinnaan la’aanta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay qorshaha xukuumadda ee lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aragtiyo muhiim ah laga helayo dhinacyada kala duwan ee faqriga oo dhinacyo badan taabanaya. Warka shirka laga soo saaray ayaan qeexin waxa ay yihiin qorshaha xukuumada ee arinkan wax looga qabanayo,

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa ka soo qeyb galay hay’adaha Soomaaliya ka taageeraya joojinta faqriga iyo yareynta sinnaan la’aanta.

Comments are closed