|

Burcad Soomaali ah oo afduubatay Markab ganacsi

Muqdisho December 16, 2023 (QJ) -Markab ganacsi oo ka lusho calanka Malta ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen kooxo burcad badeed Soomaali ah, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub ee howlgalka ka wada xeebaha Soomaaliya.

Haddii si rasmi ah loo xaqiijiyo, tani waxay noqonaysaa dhacdadii ugu horreysay ee burcadbadeednimo oo uu ku lug yeesho markab ganacsi tan iyo sannadkii 2017-kii.

Xarunta Hawlgalka badda EUda NAVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heleen xog ku saabsan qabashada markabka ganacsi ee lagu magacaabo “Ruen”. Dhacdadan ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday agagaarka jasiiradda Socotra ee dalka Yemen, oo qiyaastii 500 mayl-badeed dhinaca bari ka xigta xeebaha Soomaaliya.

Mid ka mid ah shaqsiyaadkii horey ula shaqeyn jiray kooxaha weerarada ku qaada maraakiibta ayaa sheegay in ay maqleen afduubka markabka, waxaana uu sheegay in markabkaasi uu ku sii jeedo xeebaha bari ee Puntland.

“Waxaa la sheegay in koox burcad badeed ah ay ku guulaysteen in ay ka duulaan oo ay afduubtaan markab, waxaana la filayaa in ay keenaan xeebaha Puntland ee ku yaala xeebaha bari” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso. Qandala.

Ilaa hadda lama hayo magaca markabka iyo faah faahin dheeri ah, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland.

Hawlgalka ka hortagga burcad-badeedda ee EU NAVFOR, ayaa sheegay in markabka dagaalka ee Spain ee Victoria loo diray si uu u baaro xaaladda markabka ganacsiga.

Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambrey ayaa tilmaantay in markabka Ruen ay u badan tahay in ay afduubteen burcadbadeedda.

Ilaa Arbacadii, Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegay inay heleen xog ka timid sarkaal ka tirsan ciidamada badda oo tilmaamaya in shaqaalihii markabka ay bad qabaan, xaaladduna weli gacanta lagu hayo. Markabkan ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo ku sii jeeda Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta dabagalka ee kooxda London Shipping Exchange Group (LSEG).

Comments are closed