|

Ciidamo Soomaali ah oo la wareegaya amaanka Villa Somalia

Muqdisho December 16, 2023 (QJ)-Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa Booliska ayaa maalinta beri ah si rasmi ah ula wareegaya ammaanka guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay La Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Xuseen Macalin.
Ammaanka guud ee Villa Somalia, sida Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Baarlamaanka, ayaa tan iyo markii ugu horeysay ee la keeno dalka Soomaaliya sanadkii 2007 waxaa gacanta ku haya ciidamada Midowga Afrika ee Atmis.
Isbadalkan ayaa ka dhigan horumar baaxad leh oo dhanka amniga ah oo ka jira Soomaaliya, waxaana la filayaa in ciidamada u xilsaaran ilaalinta nabadda Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka.
ATMIS ayaa horay ugu wareejisay saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobollo kala duwan oo dalka ah, iyadoo hadafka ugu dambeeya uu yahay in si nidaamsan ay mas’uuliyadda amniga ugu wareejiso ciidamada Soomaaliya dhammaadka 2024-ka.
Ciidamada ATMIS ayaa weli sugaya goobaha kale ee muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

Comments are closed