|

Somaaliya iyo QM oo kawadahadalay deyn cafinta

Muqdisho December 05, 2023 (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta kulan la qaatay ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u qaabilsan isku-dubbaridka Hawlaha Samafalka, Mudane George Conway.

Intii uu socday kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay diiradda ku saareen habka deyn cafinta iyo sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka ka dhasha musiibooyinka saameeya gobollada kala duwan ee dalka.

George Conway ayaa carabka ku adkeeyay in QM ay Soomaaliya ka taageeri doonto dadaalada deyn cafinta iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay in ay maareyso deymaha lagu leeyahay iyo sidii ay u maarayn lahayd deeqaha dhaqaale ee ay hesho Soomaaliya, iyadoo la saadaalinayo in haddii lagu guuleysto ay noqon doonto guul kale oo la taaban karo oo uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Comments are closed