|

RW Xamse iyo Madaxweyne Madoobe oo booqday goobaha fatahaadaha

Kismayo November 26, 2023 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho ku tagay deegaanka Luglow, halkaasi oo ay kula kulmeen dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo deegaanada ku xeeran oo ay ka mid tahay Yoontooy. .

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa walaac ka muujiyay xaaladda adag ee soo wajahday qoysaska ay dhibaatadu saameysay, kuwaasi oo ku waayay guryahoodii, xoolahoodii, iyo dhul beereed ay ku noolaayeen fatahaadda. Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka in ay gacan ka geystaan sidii loo dhimi lahaa dhibka soo gaaray bulshada dhibaateysan, waxna looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay musiibadaas.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in gurmad caafimaad oo deg deg ah lala gaaro goobaha ay dhibaatadu ka dhacday, maadaama aysan haysan biyo nadiif ah, isla markaana ay sii kordhayaan halista cudurada ka dhasha biyaha. Wuxuu ku booriyay hay’adaha samafalka ee heer federaal iyo kuwa caalamiga ah inay si mug leh uga qaybqaataan gurmadka loo fidinayo walaalaha Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaano, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Comments are closed