|

Xeerka doorashooyinka Puntland oo la hakiyay

Garoowe November 26, 2023 (QJ) -Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta isugu yimid kalfadhigoodii caadiga ahaa kadib  buuq xoogan oo maalintii Khamiista ka dhacay kalfadhigoodii.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta shir-gudoomiyay kalfadhiga 11-aad ee Baarlamaanka 53-aad ee Dowladda Puntland.
Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana doodaha lagu soo bandhigay wax ka bedelka sharciga doorashooyinka oo uu Madaxweyne Siciid Deni u gudbiyay Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran ilaalinta shuruucda doorashada ayaa ku taliyay in dib loo dhigo wax ka bedelka, iyaga oo u cuskanaya walaacyo amni oo jira.
Go’aanka guddiga waxaa taageeray ilaa 34 xubnood. xubno badan ayaa ku doodaya in go’aanka xeerka doorashooyinka dib loo dhigo ilaa inta heshiis laga gaarayo khii;aafka doorashooyinka oo u dhexeeyay mucaaradka iyo madaxweyne Deni.
Mucaaradka iyo maamulka Deni ayaa isku khilaafsan hannaanka doorashada ee gobolka, iyadoo mucaaradka ay doonayaan inay sii socoto habkii qabaliga ahaa ee doorashooyinka, halka madaxweyne Deni uu soo jeediyay hal qof iyo hal cod.
Khilaafkan ayaa sidoo kale keenay in dad badan oo degganaa caasimada ay ka guuraan guryahoodii, iyagoo ka baqaya colaado ka soo cusboonaado deegaanka.
Isku soo wada duuboo dhinacyada ku lugta leh arrimaha doorashada Puntland ayaa loogu baaqay in ay wadahadlaan oo ay ka fogaadaan in xaalada looga daro. Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in la is xakameeyo oo wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka.

Comments are closed