Ciidamada QM oo lagu weeraray Lubnaan
Aytaroon November 25, 2023 (QJ) -Gawaadhi roondo ah oo ay leeyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Lubnaan (UNIFIL) ayaa lagu garaacay madaafiic koonfurta Lubnaan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay. werarka ayaa dhacay abaaro 12:00 ee xiliga maxaliga ah deegaanka Aytaroon ee koonfurta Lubnaan.
UNIFIL ayaa sheegtay in ciidamada QM ay rasaasta ku fureen kuwa Isaraiil, taasoo keentay inuu burburaan gawaarida. Dhacdadan ayaa keentay in UNIFIL ay si adag u cambaareyso weerarka, waxayna hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Ciidanka nabad ilaalinta ayaa muujiyay baahida loo qabo in la xakameeyo, lagana fogaado falalka sii kordhin kara xiisadda. Hawsha UNIFIL waa inay ka caawiso dawladda Lubnaan ilaalinta nabadda iyo sugida amniga.
Dhanka kale, ciidamada difaaca Israa’iil ee loo soo gaabiyo (IDF) oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadaasi, isla markaana ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisadda gobolka ay sare u kacday, ka dib weeraro ay isweydarrsdaeen Xisbulah iyo israel dhawaan