|

Waddani oo ka hiryimi Dib dhiga xeerka Doorashooyinka ee Guurtida

Hargeysa November 23, 2023 (QJ) – Xisbiga mucaaradka Somaliland ugu weynah ee Waddani, ayaa ku gacan seyray in muddo bil ah ay golaha guurtidu dib ugu eegto xeerka cusub ee doorashada ka hor inta aan cod loo qaadin.

Guddoomiye ku xigeenka Waddani, Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku sifeeyay muddada ay golaha guurtidu qaateen xeelad dib loogu dhigayo doorashooyin dalka ka dhaca.

“Markii ay bishan dhammaatay, fadhigii golaha guurtidu wuu dhammaanayaa, waxaadna arkaysaa in sharcigii ay ku andacoonayeen inay ku shaqaynayaan uu yahay mid aan dhamaystirnayn,” ayuu yidhi Waabeeye.

Waxa uu sheegay in si daacad ah ay ula shaqeeyeen Madaxweynaha, islamarkaana ay doonayaan in khilaafka doorashada la dhameeyo, balse Madaxweynaha uu weli doonayo in dib loo dhigo doorashada, isagoo ugu baaqay inuu tanaasulo.

“Madaxweyne Muuse waxa uu dalku ku jiraa xaalad jilicsan, 5 sano ayaa laga joogaa markii la doortay, waxaad mooddaa in uu jahawareer iyo nidaam la’aan ka jiro, haddii dalka la badbaadinayo waxa loo baahan yahay in laga fogaado wixii khalkhal keeni kara; waa inaysan ku adkaysan wax aan ku habboonayn,” ayuu Waabeeye hadalkiisa ku daray.
Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shalay isku raacay in xeerkan ay darsaan muddo bil ah ka hor inta aan cod loo qaadin, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah oo ay dib u eegis ugu sameeyaan.

Comments are closed