SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo ku dagaalamay Sool
Yeyle November 22, 2023 (QJ) -Dagaal culus ayaa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ku dhex maray deegaanka Bisiqa gaar ahaan degmada Yeyle ee gobolka Sool. Dagaalka ayaa la sheegay inuu sii xoogeysanayo, iyadoo xogo kooban laga helayo halka ay wax marayaan iyo inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.
Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanada Buqdharkayn iyo Yayle oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in colaadda dhawaan ka dhacday deegaanka Yeyle ee gobolka Sool ay qayb ka tahay dedaalo ku lug leh xasillooni-darrada siyaasadeed ee Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan, ayaa sheegay in qaar ka mid ah Isimada SSC Khaatumo, oo hadda ku sugan magaalada Garoowe ee Puntland, ay amreen dagaaladii u dambeeyay, iyagoo doonaya inay ku marin habaabiyaan shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland.
Dhinaca kale, SSC Khaatumo ayaa ka warbixisay dagaallo culus oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degmada Yeyla iyo deegaano kale oo ka tirsan Sool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamadooda iyo kuwa Somaliland. Waxay ku andacoonayaan in ciidamdooda oo hawlo nabadeed u socday ay soo weerareen ciidamada Somaliland. Labada dhan ayaa sheeganayaan in ay kala qabsadeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal.