Ftahaadaha Jubaland oo ay ku dhinteen 20 ruux
Kismaayo November 22, 2023 (QJ) -Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in ay korortay khasaaraha ka dhashay fatahaada Wabiga Jubba ee deegaanada maamulka Jubbaland.
Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ku dhintay fatahaadda Wabiga Jubba ay gaarayaan ilaa 20 qof.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in fatahaadaha ay saameyn xooggan ku yeesheen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo, wuxuuna carrabka ku dhuftay saameynta xooggan ee ay ku yeesheen magaalooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo, isagoo carrabka ku dhuftay in xaaladdu ay tahay mid khatar ah.
Fatahaadada wabiyada shabeelle iyo juba ayaa saameyn weyn ku yeeshay nolosha tobanaan kun oo Soomaali ah oo ku kala nool deegaanada Jubbaland, Gedo, Hiiraan, Bay, Bakool iyo deegaano kale.