|

RW Xamse oo Dooloow booqday

Dooloow November 20, 2023 (QJ) – -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Doolow ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah dadaallo uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay fatahaada baaxada leh ee ka dhalatay roobabkii ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow. Wararka ayaa sheegaya in fatahaada wabiga Shabelle ay saameyn weyn ku yeelatay deegaanka, islamarkaana saameyn ku yeelatay bulshada iyo noloshooda.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha sida ba’an ay u saameysay dhibaatadii ka dhalatay El Nino, iyadoo laga soo sheegayo fatahaado iyo barakac baahsan. Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu howlan sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka ka dhalan kara musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana lagu dadaalayaa sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan. Sidoo kale waxaa si weyn isha loogu hayaa xaalada degmooyinka kale ee Gedo sida Baardheere iyo Garbahaarey.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda wadda dadaallo xooggan oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhasha aafooyinka, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Booqashadan uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tagay Doolow ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay dowladda uga go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha degdega ah ee ay qabaan dadka ku dhibaateysan gobollada dalka, gaar ahaan xaaladaha adag ee ay sababaan masiibooyinka dabiiciga ah sida fatahaadaha. Intaa waxaa dheer, Soomaaliya waxay weli wajaheysaa caqabado dhanka ammaanka ah, gaar ahaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Comments are closed