Xaalada Baladweyne oo laga deyriyay
Baladweyne -Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad bini’aadantinimo oo darani ay ka jirto magaalada Beledweyne kadib fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.
Fatahaada Wabiga ayaa saameeyay afar xaafadood oo ka tirsan magaalada Beledweyne, waxaana fatahaaddaasi ay geysatay khasaare baaxad leh, waxaana ku barakacay dad badan oo ku noolaa magaalada.
Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa in dhowr qoysas badani ay weli ku go’doonsan yihiin gudaha magaalada, kuwaasi oo ay soo wajahday xaalad adag, waxaana la tilmaamayaa in khasaaraha ka dhashay uu yahay mid baaxad leh ka dib. Qoysaska ay saameeyeen daadadka ayaa sidoo kale la halgamaya caqabadaha helitaanka waxyaabaha daruuriga ah.
Dadka ku dhintay fatahaadda Beledweyne ayaa gaartay 13-qof oo ay ku jirto gabar afar jir ah, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo cudurada ka dhalan kara biyaha iyo guud ahaan badqabka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.
Maamulka deegaanka iyo sidoo kale dowladda dhexe ayaa hadda ku howlan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka dhibaateysan. Xaalada ayaa si weyn isha loogu hayaa iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in wax looga qabto baahiyaha deg dega ah iyo taakuleynta qoysaska dhibaatadu soo gaartay.