Madaxweyne Xasan oo dhegeystay warbixino amni
Muqdisho November 17, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliyeyaasha Booliska, isagoo kala hadlay xaaladda amni ee dalka.
Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa tilmaamay in qorshahaasha kale la dhaqan geliyo maalmaha soo socda ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay doorka ay ciidamadu ku leeyihiin sugidda amniga gobollada ay ka jiraan xasillooni darrada, isagoo sheegay in guulaha ay ciidamadu gaaraan ay wax weyn ka tari doonto sidii shacabka Soomaaliyeed looga difaaci lahaa khatarta kooxaha xagjirka ah.
Waxa uu tilmaamay in ay ka go’an tahay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sidii ay uga hortagi lahaayeen caqabadaha ay dalka ku hayaan kooxaha xagjirka ah, waxa uuna xusay in ay muhiimad gaar ah siinayaan xoojinta tayada ciidamada deegaanka.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Guuto Sulub Axmed Firin.