Qaxa oo shidaalkii u horeeyay la gaarsiiyay
Qasa November 16, 2023 (QJ) -Markii ugu horeysay shixnad shidaal ah ayaa gaarey Gaza tan iyo markii ay bilaabatay iska horimaadka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel shan todobaad ka hor.
Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in ay heleen 23,000 oo litir (5,060 gallon) oo shidaal ah, kaasi oo dhawaan la geeyay xadka Rafa ee dalka Masar. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tilmaamay in maamulka Israa’iil ay xaddideen u isticmaalkeeda qaybinta gargaarka Gaza oo ay mamnuuceen in shidaalka loo isticmaalo koronto-dhaliyeyaasha isbitaallada ama matoorada biyaha.
Israa’iil ayaa horay u joojisay dhammaan shidaalkii ay keeni jirtay, iyadoo ku marmarsiyooneysa in Xamaas ay uga faa’iidaysato arrimo ciidan.
Wasaaradda difaaca ee Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay ogolaatay in shixnadaha shidaalka bini’aadantinimo ee Gaza la soo geliyo kadib codsi uga yimid dowladda Maraykanka.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israa’iil ay bartilmaansadeen isbitaalka ugu weyn Gaza ee Al-Shifa maalmihii lasoo dhaafay, halkaasi oo ay ka geysteen burbur iyo khasaare baaxad leh. Israa’iil ayaa billowday howlgal milateri oo muhiim ah oo ka dhan ah Xamaas, oo loo aqoonsaday koox argagixiso, tan iyo 7-dii Oktoobar, taasoo keentay burbur baahsan. Ugu yaraan 1,200 oo qof ayaa la sheegay in la dilay, ku dhawaad 240 kalena waa la xidhay.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza, oo ay maamusho Xamaas, ayaa sheegtay in 11,000 oo qof ay dhinteen tan iyo markii uu dagaalku billowday, Qaramada Midoobayna waxay ku tilmaantay xaaladda “musiibo aan hore loo arag.