Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageeray dawladnimada Falastiin
Riyad November 15, 2023 (QJ) – -Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xili uu ku suganaa dalka Sacuudiga dhawaan la hadlay Warbaahinta Carabta ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isagoo sheegay in loo bahan yahay xal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka labada dhinac.
Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in dadku aaney iska indha tirin sababaha ka dambeeya dhibaatooyinka taagan ee maalin walba saameeya dadka shacabka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa su’aalo badan ka keenay sida beesha caalamka uga gaabisay wax ka qabashada masiibadan, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in xal loo helo ka hortagga dhibaatooyinka shacabka Qaza loo geysanayo.
Waxa uu carabka ku dhuftay in wada-hadallada caalamka ay nasiib darro noqdeen kuwo aan la isku raacsanayn, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in xal siyaasadeed laga gaaro colaadaha soo noqnoqda.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay in la helo xal siyaasadeed oo dhameystiran si wax looga qabto sababaha keenay khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas iyo horumarinta nabadda gobolka. “Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil , islamarkaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda Gaza ayaa sheegay in waxa Gaza ka socda ay ka soo horjeedaan damiirka aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka caalamiga ah. Dawlad Falastiin leedahay oo madax banaan oo caasimaddeedu tahay Quddus ayaa ah xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaasaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee Qaza.
In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa Israa’iil duqeysay duqeymo ay kaga aargoosanayeen weerar aan horay loo arag oo Xamaas ay ka geysatay koonfurta Israa’iil 7-dii October, kaasoo ay ku dhinteen 1,400 oo qof oo u badnaa rayid. 240 kale ayaa la qafaashay.
Duqeymaha cirka ee Israel, iyo howlgalada dhulka ee socda, ayaa lagu dilay in ka badan 11,000, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, waxaana barakiciyay in ka badan kala bar dadka Gaza.