Ciidamada Yuhuuda oo galay Cisbitaalka Al Shifa
Qaza November 15, 2023 (QJ) – Ciidamada Israel ayaa galay dhismaha cisbitaalka Al Shifa oo ah isbitaalka ugu weyn magaalada Gaza. Halkaas, oo ay ka wadaan qalalaase, argagax iyo waxyeello ay u geysanayaan bukaannada, shaqaalaha caafimaadka, iyo dadka kale ee rayidka ah.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Isbitaalka Al Shifa in ka badan 100 ka tirsan ciidamada Kumaandooska Israel ayaa si xoog ah ku galay Isbitaalka, kuwaasi oo halis ku ah howlihiisa shaqo.
Goob joogayaal ayaa soo sheegay in ugu yaraan 6 taangi ay ku jiraan xeyndaabka isbitaalka, iyo ciidamo aad u hubeysan oo xoog ku galay qeybta gargaarka degdega ah ee isbitaalka, kuwaasoo cabsi geliyey shaqaalaha caafimaadka.
Dadka ku dhaqan agagaarka Isbitaalka Al Shifa ayaa sheegay in ay arkayeen iska hor imaadyo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo shaqaalaha cisbitaalka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Isbitaalka oo markii horeba la tacaalayay xaalado adag oo ka dhashay dagaaladii u dambeeyay, ayaa hadda waxaa soo wajahay caqabado hor leh, iyadoo la soo sheegayo burbur soo gaaray dhismaha Al Shifa , iyadoo ay sii kordhayaan khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.
Xaalada ayaa ah mid laga naxo oo u baahan in beesha caalamka ay si deg deg ah wax uga qabato si loo sugo badqabka goobaha caafimaadka iyo shaqaalaha iyo sidoo kale badqabka dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada ay colaaduhu saameeyeen.