|

Garaad Jaamac oo u hanjebay Somaliland

Addis Ababa November 14, 2023 (QJ) -Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Golaha Sare ee Madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo, ayaa digniin u diray Xukuumadda Somaliland oo uu sheegay inay Hatgeysa ugu tegi doonaan.
Waxa uu ku nuux nuuxsaday in dagaalka ay kula jiraan Somaliland uusan weli dhamaan, isla markaana ay ku raadjoogaan dadka lagu eedeynayo in ay ka danbeeyeen falalkkii guracanaa ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waxaana uu sheegay in xaalada taagan looga baahan yahay ciidamada SSC-Khaatumo iyo shacabkooda inay sii wadaan taageerada halganka.
Garaad Jaamac waxa uu sheegay in ciidamada SSC-Khaatumo ay iska difaaci doonaan haddii ay Somaliland isku dayaan inay soo galaan deegaamadooda, isagoo sheegay in haddii Somaliland ku adkaysato inay dhulkooda ku soo xad-gudbaan ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan deegaannadooda.
Waxa uu ugu baaqay Somaliland inay joojiso colaadda ka soo cusboonaatay deegaanka Oog oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen dagaallo u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan labada dhinac oo ku dagaalamay meel u dhow magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada SSC-Khaatumo ay weerar ku qaadeen deegaano ka tirsan Somaliland, iyagoo qabsaday deegaanka Buurdharqeyn ee gobolka Sool, halkaasoo ay ku dileen dad rayid ah, sidoo kalena ay gubeen qeybo ka mid ah deegaankaasi.
Xaaladdu waa ay sii xumaaneysaa, iyada oo ay dhawaanahan sii kordhayeen abaabulka dagaal oo ka jira gobolka.

Comments are closed