|

Saraakiil Ugaandha ka soo jeeda ooATMIS laga eryay

Muqdisho November 12, 2023 (QJ) -Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda oo ka tirsanaa howlgalka nabad ilaalinta Africa ee Somaliya ee ATMIS ayaa xilka laga qaaday, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku fashilmeen xaqiijinta ammaanka saldhig ay weerareen Al-shabaab oo ku yaala deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose. Labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Colonel Deo Akiki iyo Major John Oluka ayaa ka mid ahaa ciidamada Uganda ee ku sugnaa saldhiga la weeraray.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee ciidamada Uganda ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa amar ku bixisay in xilalka laga qaado saraakiishan. Maxkamadda ayaa ku heshay danbi ah in ay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Buulo Mareer.

Inkastoo digniin ku saabsan weerarka kusoo wajahan la siiyay saraakiisha, haddana maxkamaddu waxay xustay inay ku guul-darreysteen inay qaadaan tallaabooyin ku filan oo ay ku difaacaan saldhiggaas isla markaana inaysan la shaqeyn ciidamo kale ee deegaanka ka agdhowaa. Al-Shabaab ayaa weerarkaa oo dhacay bishii May ee ina dhaaftay waxey ku dileen in ka badan 70 askari oo Uganda u dhashay.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday saldhigga Buulo Mareer, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay qaar ka mid ah ciidamada Uganda oo uu ku sifeeyay kuwo aan karti iyo taxadar lahayn.

Comments are closed