|

Warbixinta QM: Soomaaliya weli qalalaasaa ka jira

NY October 23, 2023 (QJ)- -Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin dheer oo ka kooban boqol bog, iyadoo ka hadashay xaaladda ammaan ee Soomaaliya.

Warbixinta oo sanadkiiba mar la soo saaro, ayaa ka hadashay arrimo badan oo kala duwan, sida ammaanka, arrinta Al-Shabaab, siyaasadda, arrimaha bini’aadantinimada, socodka hubka iyo arrimo kale duwan oo xasaasi ah.
Sida warbixinta lagu sheegay, Al-Shabaab ayaa weli ah khatar weyn oo weli qaadi karta weeraro waaweyn.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa horumarka ay dowladda Soomaaliya, shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ka sameeyeen la dagaallanka Al-Shabaab oo horey u geystay khasaarooyin badan.

Warbixintu waxay qiraysaa in hubka sharci darrada ah uu weli gudaha Soomaaliya ka socdo, kaasoo ay ugu horreyso Al-shabaab, waxaana jirta taageero dibadda ah oo beelaha gobollada qaarkood ay ku helaan hub.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka ay ku bixisay hub ka dhigista shacabka, inkastoo ay jiraan caqabado dhanka taageerada ah ee dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Warbixintu waxay sidoo kale ka hadashay joogitaanka Daacish (ISIS) ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saaray inay ku xooggan tahay gobolka Bari ee Puntland. Tani waxay ka duwan tahay dilkii Bilaal Al-Sudanii bishii Janaayo ee sanadkan.

Colaadda Laascaanood ayaa sidoo kale warbixinta lagu xusay, taasoo loo arko inay khatar ku tahay nabadda Soomaaliya, isla markaana saameyn weyn ku yeelatay dadka deggan magaalada iyo nawaaxigeeda.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab iyo Daacish ay si isku mid ah uga faa’iideysteen colaada Laascaanood, taasoo sii wiiqmeysa xaaladda ammaan ee gobolka.

Xiisada ka dhex aloosan madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo hanaanka doorashada heer federaal ayaa lagu tilmaamay inay yihiin caqabado u baahan in laga gudbo si dalka looga hirgeliyo nidaamka federaalka, iyadoo sidoo kale farta lagu fiiqayo dhibaatooyinka ka jira dhismaha hay’adaha dowladda.

Guud ahaan warbixintu waxa ay si guud u dulmartay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo caqabadaha iyo arrimaha kala duwan ee dalka ka jira.

Comments are closed