|

29 ka mid ah shaqaalaha QM oo lagu dilay Duqeymada ku socda Gaza

Gaza October 23, 2023 (QJ) -Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Axaddii 29 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Qaza, iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Hay’addan oo magaceeda loo soo gaabiyo UNRWA, ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay dhimashada dadkan, iyadoo tirada dhimashaduna ka dhigayso 29 qof, maalin uun ka dib markii 17 qof la dilay. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashada ayaa sii kordhaysa wixii ka dambeeyay.

Shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah macalimiin, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay. Dhawr ka mid ah dadka Gaza deggan ayaa hoy ka raadsanaya xarumaha UNRWA.
Ciidamada Difaaca Israel ayaa bilaabay hawlgal ay ku bartilmaameedsanayaan Xamaas, iyagoo dilay ku dhawaad 1,400 oo qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku dishay ilaa 4,600 oo falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sheeganayso in ay bartilmaansatay mintidiinta Xamaas, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaydadka hubka ee Gaza.

Comments are closed