Xisbiyo taageeray doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland
Garoowe October 22, 2023 (QJ)-Xisbiyada siyaasadeed ee Puntland oo kala ah Sincad, Ifiye, iyo Mustaqbal ayaa soo saaray bayaan ku saabsan muranka ka taagan doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay in doorashadaas ay noqoto mid baarlamaani ah, oo dadku ay si toos ah u soo dooranayaan xubnaha baarlamaanka.
War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen saddexda xisbi oo maalmihii u dambeeyay kulamo wadatashi ah kula yeelanayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Culimaa’udiinka, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la qabto doorashada Baarlamaanka oo ay shacabku si toos ah u soo dooranayaan xildhibaannadooda, kadibna ay xildhibaanadaasi dooran doonaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Habkan ayaa loo arkaa mid lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida inta lagu jiro hannaanka doorashada.
Sincad, Ifiye, iyo Mustaqbal ayaa sidoo kale ku baaqay in si buuxda looga wada qeyb qaato doorashada, si fursad ay u helaan dhammaan musharixiinta daneynaya inay u tartamaan xilka, isla markaana ay ka qeyb qaataan hanaanka dimuqraadiyadda.