|

Wakiilka QM oo walaac ka muujisay colaada Somaliland

NY October 20, 2023 (QJ) – -Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa Khamiistii soo saartay digniin culus oo ay ka horsheegtay golaha ammaanka ee QM oo ku saabsan in ay sare u kacday masiibooyinka dadka rayidka ah soo gaara.

Catriona Laing, oo ah Dublamaasi u dhalatay dalka Britain oo xilka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay qabatay horaantii sanadkan, ayaa sheegtay kororkan in ay sabab u yihiin weerarada ay qaadaan Al-Shabaab iyo iska horimaadyo ka dhacay deegaanada maamulka Somaliland.

“Colaadaha ka jira Soomaaliya waa kuwo dhibaato badan ku haya dadka rayidka ah. Sannadkii hore, waxaan aragnay kororka ugu badan ee khasaaraha rayidka tan iyo 2017,” Laing ayaa u sheegay golaha.
“Nasiib darrose, xogta hore waxay muujinaysaa isbeddel la mid ah 2023, iyada oo 1,289 ay ku dhaawacmeen dad rayid ah ilaa hadda.”
Al-shabaab ayaa in ka badan 15-sano waxa ay wadday dagaallo xooggan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab oo laga saaray magaalooyinka waaweyn sannadihii 2011-2012, ayaa weli ku sugan dhulka miyiga ah ee baaxadda leh, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka. Waxay qaadaan weerarro joogto ah oo ka dhan ah ciidamada ammaanka, siyaasiyiinta iyo rayidka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka la wareegay bishii May ee sanadkii hore ayaa wacad ku maray inuu dagaal adag la geli doono Al Shabaab, kuwaasoo sidoo kale weeraro khasaare geystay ka geystay dalalka deriska ah oo ay Kenya ku jirto.

Dhanka kale Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamadeeda iyo maleeshiyo beeleedyo isku haysta maamulka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday in ay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya sanadii 1991-kii, balse aan aqoonsi caalami ah helin.

Ergeyga ayaa ay ku baaqday dhammaan la-hawlgalayaasha “inay tixgeliyaan bixinta taageerada si loo buuxiyo farqiga maalgelinta ee ATMIS si loo hubiyo in howlgalku uu si buuxda u guto waajibaadkiisa, ciidamaduna aysan bixin mushaar la’aan.”

Ergeyga Mareykanka ee ka qeyb galaya kulanka, Robert Wood, ayaa sheegay in Washington “ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee lagu dhisayo awoodda laamaha ammaanka ee Soomaaliya.”

Comments are closed