ATMIS oo Raage Ceele ku wareejisay ciidamada Dawlada
Muqdisho October 19, 2023 (QJ) – Ciidanka ATMIS-ka ayaa maanta ku wareejiyay ciidamada Nabadsugida Soomaaliya Saldhigga Raaga Ceele ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xil wareejintan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS, si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dowlad goboleedka Hirshabeelle.
ATMIS-ka Burundi ee ku sugan Raage Ceele ayaa hadda loo wareejin doonaa gobollo kale si ay ammaanka u xoojiyaan kadib markii ay Soomaaliya codsatay in dib loo dhigo ka bixitaankooda dalka muddo 3 bilood ah.
Munaasabadda xil wareejinta ah ayaa waxaa fududeysay hay’adda UNSOS, waxaana ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS.
Deegaanka Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa gacanta ku hayay ciidamada Burundi ee qaabilsan amniga qeybta 5-aad ee ATMIS.
Taliyaha cusub ee ciidamada XDS ee Raaga Ceel Iidow Cali Maxamed ayaa ku bogaadiyay ciidamada Burundi ee ATMIS sida wadajirka ah ee ay uga hortagayaan Al-Shabaab, xaqiijinta xasiloonida gobollada laga saaray, iyo ilaalinta nabadda deegaanka.