|

Maxadii hore ee dalka oo ka soo horjeestay madaxweyne Xaan Sheekh

Muqdisho Oct19, 2023 (QJ) -Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen qaar ka mid ah madaxdii hore ee Soomaaliya ayaa si kulul loogu dhaliilay go’aannadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeed ay soo saareen siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxdii hore ee Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaarayaashii hore, ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeen in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee hadda talada haya uu u muuqdo mid qaadanaya go’aanno wax u dhimaya mustaqbalka dalka.

Madaxdii hore ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday inaan la aqbali karin in Madaxweynaha uu kaligiis go’aan ka gaaro qaab dhismeedka Hay’adda Fulinta ee Dowladda, isla markaana la soo bandhigo nidaamka Madaxtinimada iyo labada Xisbi, iyagoo ku andacoonaya in Madaxweynaha uu ka leexday heshiiskii lagu gaaray Dekaale ka dhacay Juulay 11-12, 2023.

Madaxdii hore ee dalka ahayd ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu ka waantoobo qorshe siyaasadeedka isdiidan oo uu ka shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Waxa ay ku booriyeen in uusan billaabin wax isbeddel sharci ah oo wax u dhimi kara xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya.

Comments are closed