Dawlada Geeska oo ka horyimi dalkii Abiy Axmed
Muqdisho October 19, 2023 (QJ) – Dawladaha Djibouti, Soomaaliya iyo eretria ayaa diiday codsi uga yimid Itoobiya oo ku aadanaa in ay wada hadal kala gasho, si ay dekedda uga hesho Badda Cas, sida ay daabacday jariirada bloomberg.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa todobaadkii hore ka digay in dalkiisa uu sii ahaado mid aan laheyn marin deked taasina ay ka dhigan tahay mid colaad sababi karta, wuxuuna ku baaqay in la isku dayo in arrintan wax laga qabto si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka. Itoobiya waxay lumisay marinkii tooska ahaa ee badda sanadkii 1993 markii Eritrea ay xornimada qaadatay ka dib dagaal sodon sanadood socday.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar ayaa farriin qoraal ah ugu sheegay Bloomberg in “Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqadas mana furan in laga doodo.”
Hadal uu ka jeediyay taleefishinka Itoobiya Oct. 13, ayuu Abiy ku sheegay in Itoobiya ay u leedahay “xuquuqda dabiiciga ah” inay hesho dekeda ku taal badda cas, haddii taas la diidona waana dagaalami doonaa ayuu yiri. Waxa uu soo jeediyay in dawladiisu ay saami ka siin karto biyo xidheenkeeda Grand Renaissance Dam ee Itoobiya si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha dalalka deriska ah.
Ereteriya ayaa ku tilmaantay hadalka ra’iisul wasaaraha mid ” xad dhaaf ah” waxayna tiri “arrintu waxay wareerisay dhammaan kormeerayaasha ay khusayso.”
Alexis Maxamed, oo la taliye sare u ah madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo isna ay soo xigatay Bloomberg ayaa sheegay in mowqifka Abiy uu yahay mid soo jireen ah, inkastoo hadda loo cadeeyay si toos ah.
Waxa uu xusay in Jabuuti ay mar hore fursad u siisay in ciidamada badda ee Itoobiya isticmaalan dekedeeda.