Ganacsatda Soomaaliya oo laga codsaday casriyenyta dawladnimada
-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan uu la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed, waxa uu kala hadlay doorka ay ku yeelanayaan hannaanka dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo ganacsatada gaarka ah si loo gaaro hadafka guud ee horumarinta qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan amniga, kobaca dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada ee uu dalku u baahan yahay si loo xaqiijiyo horumarka.
Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeysay baahida loo qabo isbedel la taaban karo oo dhinacyada kala duwan ee ganacsiga ah si si wanaagsan loogu adeego bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay ganacsatadda in ay muhiimadda koowaad siiyaan amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo sidoo kale daryeelka shacabka, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalin mug leh ka qaataan sidii loo gaari lahaa hadafyadaasi.