Xildhibaan C/Raxmaan C/Shakuur oo u jawaabay Abiy Axmed
Muqdisho October 16, 2023 (QJ) -Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo ergayga gaarka ah ee dowladda u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa dhaliilay hadalka ka soo yeeray dowladda Itoobiya ee ku aadan in ay damacsan tahay in ay maamusho ama la wareegto dekadda Somaliland ee Zeylac.
C/raxmaan C/shakuur oo qoraal dhinacyo badan taabanaya daabacay ayaa sheegay in arrintan aan la fududeysan, isla markaana looga baahan yahay dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka in ay arrintan si dhab ah u qaadato si loo ilaaliyo danaha qaranka, loogana hortago damaca Itoobiya.
Hadalkani waxa uu jawaab u yahay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Raysal-wasaare Abiy Axmed ee ahaa in dekedda Zeylac ee Somaliland, laga yaabo in ay u adeegto sidii Itoobiya oo badda u heli laheyd.
Sida uu sheegay Abiy, dadka ogolaada inay dekedaha helaan waxay heli karaan 20-30% dakhliga ka soo xarooda diyaaradda Itoobiya ama biyo xireenka Abay (Nile) ama shirkadda isgaarsiinta Itoobiya.
Ilaa hadda ma cadda sida uu xaal ku dambayn doono, balse waxa uu hadalka Abiy shaki geliyay madaxbanaanida dhuleed, khaasatan marka gaar ahaan la eego xidhiidhka dhaw ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.