|

Dani oo ku adkeystay doorashada Qof iyo Cod

Garoowe October 13, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey maanta ayaa ka hadlay taariikhda Puntland iyo doorashooyinkii ka dhacay 30 degmo. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in mar kale uu ku tala jiro in uu xilka hayo muddo kooban oo dastuuri ah, sidaas darteedna uu carabka ku adkeeyay in la qabto doorasho hal qof iyo cod ah oo ay ka qeyb galayaan 8 xisbi, laguna soo dooranayo 66 Xildhibaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in labada doorasho ee madaxweynaha iyo ku xigeenku ay ku salaysnaan doonaan hal qof iyo hal cod, muddada uu xilka hayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in guddiga doorashada Puntland ay go’aamin doonaan jadwalka doorashada. Mucaaradka ayaa ku doodaya in Madaxweyne Deni uu ka shaqeynayo sidii uu xilka ugu kordhin lahaa.

Mucaaradka ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen inaysan aqoonsanayn guddiga iyo isbedellada sharci ee lagu sameeyay dastuurka, waxayna ka digayaan inay la xisaabtami doonaan madaxweyne Deni haddii uu sharciga ka leexdo.

Comments are closed