|

Ururka ICRC oo meydad iyo dhaawac ka ururiyay degaaladii Laascaanood

Laascaanood September 04,2023(QJ)-Hay’adda ICRC ayaa ka warbixisay 42 mayd ah oo ay ka ururisay aagagii dagaalladii dhawaan ka dhacay Sool. ICRC-da ayaa sidoo kale booqatay in ka badan 300 oo maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.

Qoraalka ICRC ayaa lagu sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay, 110 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaallada, halka 42 kalena laga soo daadgureeyay deegaannada ay colaaduhu ka dhaceen si ay gargaar u helaan.

“Waa muhiim in dhammaan maxaabiista, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Tani waxay ka dhigan tahay in maxbuus kasta uu helo cunto iyo biyo iyadoo lagu jiro xaalad bani’aadamnimo,” ayay tiri ICRC.

Colaadda gobolka ayaa soo jirtay tan iyo bilowgii sanadkan, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh, iyadoo tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen guryahoodii.

Comments are closed