|

Imaraadka oo Gollaha Amaanka uga argoostay Muuse Biixi iyo Qoyskiisa

Hargeysa June 10, 2023 (QJ) – Gollaha amaanka ee QM ee dhawaanta faray Muuse Biixi in uu ciidamadiisa kala baxo degaanada SSC ayaa waxa madax ka ah dawlada Imaraadka Carabta oo shirkadooda DP World ay gacanta ku heyso dekedda Berbera.

Gollaha amaanka oo ay madax ka tahay Dawlada Imraadka carabta ayaa si aan hore loo arag uga hadashay midnimada Soomaaliya isla markaana sheegtay in Laascaanood iyo Soolba ka mid yihiin Soomaaliya.

Hadaba dad badaniĀ  waxa ay isweydiinayaan sababta, waxa jirta in Madaxweynaha xilka sharci darada ku fadhiyaahi iyo qoyskiisu in ay farogelin ba’an ku hayaan hawlaha shirkada, taas oo xumeysay xiriirka labada dal.

DP World ayaa la sheegay in tiraba dhawr jeer ka cawdeen habdhaqanka qoyska Muuse Biixi oo hantida shirkada u arka mid ay iyagu leeyihiin.

Khilaafka ugu weyn ee Xaafadtooyada Somaliland iyo Imaaraadka ayaa timi kolkii ina Muuse Biixi xabsiga dhigay madaxii amniga ee DP World, ka dib kolkii uu diiday gawaari shirkadu leedahay in uu ku wareejiyo.

DP World ayaa dalbatay in Sarkaalkaa ama la sii daayo ama dacwad lagu soo oogo, balse Muuse iyo qoyskiisa ayaa arinkaa ka dhego adeygay.

Macagagnimada Muuse iyo qoyskiisa ayaa sababaya in la lumiyo shirkada qura ee dalka heshiiska caalemiga ah la gashay.

Waana sababta keentay in Muuse aanu imaraadka u tagi kareyn sidii ay madaxweynashii ka horeeyay u tegi jireen.

Waxa kale oo lala socda talo xumadiisa Laascaanood in ay sababtay in la baajiyo dhoolatuskii Mareykanku ka sameyn lahaa Berbera.

Si kastba ha ahaatee, waxa haatan muuqda in Imaraadku ka sii duuduubanayaan Berbera isla markaana ay Bossaso iyo Muqdisho u digo roganayaa.

 

Comments are closed