Buurmadoow oo Bulshada ku wargeliyay in uu Muuse Biixi ka aqbalay cafis
Hargeysa April 20, 2023 (QJ) – Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadoow oo mudo dheer dalka uga maqnaa mucaaridad fogaatay ayaa haatan la sheegay in Muuse Biixi uu ka dalbaday cafis.
Boqor Buurmadoow oo aan Somaliland ka xaadirin mudo sanado ah ayaa dalka uga maqnaa musaafuris jeel ka bood ahaa oo uu isagu isku soo rogay.
Boqor Muurmadoow ayaa xubno beeshiisa ah ku wargeliyay in uu Hargeysa deg deg u imanayo oo uu filayo in Muuse dhewaan shaaciyo cafiskiisa.
Kooxda HEEGO oo mudaba haatan kolba iyana dhan isku qaadeysay ayaa la sheegayaa in ay Muuse ku dhiiri gelisay in uu Boqorka dib loo hawlgeliyo, si looga hortago codada mucaaridka xadka sii goosanaya ee Beelaha Habar Jeclo.
Madaxweyne Biixi oo aan haatan beelna waxaba isaga tirin isla markaana aan looga baran cafinta cida ay isqabtaan ayaan la garaneyn sida ay uga suurtogeli karto cafinta Buurmadoow.
Hadiise la cafiyo Buurmadoow waxa ay sawir ka bixineysa sida Muuse haatan u liicay isla markaana uu u maciin bidayo baryada cid walba oo uu ku tuhmayo in ay gacan uga fidin karto xaaladaha uu dhexmaquuranayo.
Boqor Buurmadoow ayaa waxa hore loogu bartay isbedbedel siyaasadeed ayaan haatan u muuqan mid saameyn ku yeelan kara mucaarida ka dhex aloosan beesha bariga Sanaag.
Mucaaridka isbedel doonka Habar Jeclo ayaa dhawaqa cafiska ku saabsan ee ka soo yeeray Buurmadoow ku sheegay wax lagu qoslo oo aan wax saameyn ah yeelan doonin.
Hadii taasi dhacdona, xeel dheereyaasha ayaa sheegay in boqorku madane dabka ugu jiro, oo laga jari doono aflaagaadooyinkii todobaadyada ka hor uun uu u jeediyay Muuse Biixi iyo Beeshiisa.
Waxa la dhawraaba waa waxa ka soo kordha rabitaanka iyo sheegashada Boqor Buurmadoow iyo cafiska uu suuqa gashaday.