Ciidanka Liyuu Booliis oo lakala dirayo iyo halka badankood tagayaan
Jigjiga April 08, 2023 (QJ) – Dawladda Dhexe ee Itoobiya ayaa shaacsay in la kala dirayo ciidamada deegaannada (Liyuu Police).
Ciidamada ayaa loogu baaqay in ay ku kala biiri karaan Militariga, Boolisyada heer Federaal iyo ka deegaan, kolba sida ay doonaan.
Tilaabadan ayaa ka dhigan in Ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida Itoobiya ay dhici karto in badankood ku biiraan jamaahiirta ka dagaalameysa magaalada Laascaanood.
Dagaalada Laascaanood oo ay hakiyeen bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa la filayaa in ay dib iyagoo ka balaaran sidii hore dib uga qarxaan guud ahaan degaanada beelaha SSC.
Ilo wareedyo ka agdhow madaxda SSC ayaa tibaaxaya in tiro badan oo dagaalyahan oo haatan ka mid ah Liyuu Booliska ay gurmad ahaan ugu biiridoonaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Muuse Biixi.
Dagaaladaa ayaa lagu wadaa in bartilmaankoodu yahay Dhufeyska Goojacade ee dhaca duleedka magaalada Laascaano.
Si kastaba ha ahaatee, dadka sida dhow ula socda dagaalada Laascaanood ayaa sheegaya in cidamada SSC ay beryihii danbe sii xoogeysanayaan halka kuwa Muuse Biixi ka amar qaatana ay la kulmayeen hoos u dhac dhan walba ah.