|

Hargeysa oo kacdoon foolaneysa iyo axaasbtii mucaaridka oo meesha ka baxay

Hargeysa April 01, 2023(SD) – Magaalada Hargeysa ayaa laga dareemayaa guuxa kacdoon ka dhan ah nidaamka dhanka ka rarnaa mudada sodonka sanadood ah.

Dhalinyarada dalka oo markii u horeysay garwaaqsaday in hogaanka axsaabta mucaaridka iyo madaxweynaha xooga dalka ku jooga in ay ka siman yihiin sumcad iyo mustaqbal xumida ay dhaxalsiiyeen ayaa haatan goaansaday in ay isbedel iyo heeryo iska tuur gacantooda ku keenaan.

Meliisha beeleedkii Muuse Cosoble ee magaalada dadka ugu dawladeynayay ayaa waxa soo wejahday todobaadyadii u danbeeyay cabsi la xiriirta gadoodka dhalinta ishubeyneysa.

Axsaabtii mucaaridka khaasatan Waddani ayaa qudhiisa doorkiisii lumiyay, ka dib kolkii uu bulshada ku daawaday hogaan xumida Muuse, taas oo dabka ku sii shiday Kacdoonka.

Dhalinta gadoodsan ayaa haatan u muuqda qaar garwaaqsaday in xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani aaney waxba ka duwaneyn ururada Cosoble doonayo in uu sameysto, oo iyaga qudhooda sidan oo kale mudo hore loo sameystay.

Dhalinta oo ka faaiideysaneysa fashilka ka dhashay colaad Laascaano iyo hanjabaadaha beesha caalamka ayaa haatan istusay fursadan dahabiga ah.

Isku soo ururiyoo, dadka intiisa badan ayaa haatan qaba in Somaliland aaney sidan ku sii jiri karin, isla markaana loo baahan yahay in sagxada mar kale laga soo bilaabo oo la dhiso nidaam si dhab ah u wada leeyihiin kolba inta isla ogol, cida keliya ee keenikartana waa dhalintan abaabuleysa kacdoonka.

Comments are closed