|

Maxaa kala qabsaday Maxamuud Xaashi iyo Muuse ka dib kulankii Madaxtooyada

Hargeysa Feb 15, 2023 (QJ) – Kulan dhawaan ku dhexmaray madaxtooyada ururada siyaasada iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa isku afdhaafay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha Buul-hunguriga Kaah Maxamuud Xaashi.

Kulanka dabadii ayaa waxa doodi ka dhalatay cida u hadleysa Buul-hunguriyada, Maxamuud Xaashi oo isu heysta in uu yahay ka ugu tunka weyn siyaasiyiinta ayaa dalbaday in uu akriyo qodobada balse Muuse ayaa arinkaa ganafka ku dhuftay.

Ilo wareedyadu wax ay noo sheegeen in Maxamuud Xaashi uu arinkaa isku deyay in uu wax ka yiraahdo balse halkaa uu ka dhashay buuq iyo isqabqabsi.

Muuse oo markii horeba diidanaa in Maxamuud Xaashi ka qeybgalo kulanka madaxtooyada ka dib kolkii uu dhawaan ku khudbadeeyay in reer Sool aaney Agegixiso ahey.

Shaqaalaha madaxtooyada ayaa la sheegay in ay Guddoomiyaha Kaah u hanjabeen lana kala dhexgalay.

Buul-hunguriyada waraaqahoodu dhacayaan berito ayaa weli u hogaansan Muusaha sameystay, oo kolka uu doonana u yeera.

 

Comments are closed