|

Duqeynta Laascaanood oo weli socta

Laascaanood Feb 12, 2023 (QJ) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay dagaal khasaare geystay, kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay xiisado colaadeed. Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah, kadib markii maamulka Somaliland uu ka dhaga adeygay heshiis xabad joojin ah, kaasoo sababay gacan ka hadal ka dhacay magaalada.

Dagaalkan oo weli socda ayaa waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo khasaaraha ugu badan uu geystay dadka rayidka ah. Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha u soo galeen magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Maamulka SSC ayaa cambaareeyay faragelinta ciidamada Somaliland ay ku hayaan magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in faragelin caalami ah lagu sameeyo colaadda. Maamulka ayaa sidoo kale codsaday in wafdi xaqiiqo raadin ah oo madax banaan loo diro magaalada Laascaanood si ay u soo qiimeeyaan xaaladda, isla markaana ay warbixin uga gudbiyaan beesha caalamka.

Comments are closed