Muuse oo ka carooday hadal ka soo yeeray Saleebaan Koore
Hargeysa Feb 11, 2023 (QJ) – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi ayaa la soo warinyaa in uu ka biyo diiday hadal k jiray khudbad uu dhawaan Saleebaan Cali Koore ka jeediyay Ceynaba.
Wasiirka Warfaafinta xukuumada mudo xileedkeedu dhamaaday Saleebaan Koore ayaa mar uu shaacinayay goaankii Somaliland ee xabad joojinta ayuu sheegay in uu ku hadlayo afka madaxweynaha.
Hadalkaa oo reer SSC deeto u gudbiyeen beesha caalamka ayaa khashifay in goaanka dagaalka uu lahaa Muuse Biixi, sidoo kalena uu isagu toos u qaadanayo wixii ka soo baxa.
Muuse Biixi ayaa dadka isugu muujinayay in goaanka dagaalku yahay mid ka go’a ciidamda amnioga, balse Saleebaan Koore iyo wasiirada oo iska fogeynaya masuuliyada colaada ayaa si dadban fariintan u gudbiyay.
Muuse ayaa la sheegayaa in arinkan xeeleedeysan u fahmay mid dusha looga saarayo masuuliyada dagaalka iyo cawaaqib xumada ka dhalata.
Muuse oo inta badan reer Sool iyo waxgaradkiiba ay isaseegeen ayaan haatan ka hor iman kareyn Wasiir Saleebaan, xaalkuna waa ku adkaaday.
Sida lal socdo, beesha caalamka oo yaqiinsatay halka sartu ka quruntay ayaa haatan caadiskooda duldhigay madaxtooyada, sheegayna in la joojiyo duqeynta rayidka.