|

Dagaalka Laascaanood o oweji kale yeeshay

Laasanood Feb 10, 2023 (QJ) – Waxaa manta galay maalintii afaraad dagaalka Laascaanood ku dhex maraya ciidamada Somaliland Iyo kuwa SSC, waxa magaalada laga maqlayahwaqa raasaasta labada dhinac isweydaarsanayaan. Magaalada ayaa la sheegtay in ay isaga qaxeen inta badan, mana cada tirada dadka dagaalkan ku dhintay balse waxa hubka dhinacyadu isdhaafsanayaan inta badan ku dhintay dad shacab ah, iyada oo ay jiraan tiro faro badan oo ka mid ah dhinacyada dagaalamaya ay dagaalka uga dhigteen.

Geesta kalena, waxa manta Muqdisho gaaray qaar ka mid ah dad ku dhawaacmay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland Iyo kuwa SSC. Dadka dhaawaca ah oo ilaa sodon ruux ah ayaa Muqdisho loo geeyay si loogu dhayo cisbitaalada caasimada. Waaxaana goroonka duyuuradaha ku soo dhaweeyay xildhabaano ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Soomalaiya.

Comments are closed