|

Boorama oo qaaday dhabihii Laascaanood iyo talo xumada Muuse Biixi

Hargeysa Feb 05, 2023 (QJ) – Waxa shalay ciidamada Somaliland caburin la mid ah tii Laascaanood ka bilaabay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Dhalin dhawr maalmood ka hor ku baaqday in isu soo bax lagu xuso dadkii SNM tu Awdal ku leysay, xaafadana ka hadaly ayaan la garaneyn halka ay cirib iyo jaan ay dhigeen.

Muuse Biiixi oo kolkii u ka warhelay qorshaha dhalinta reer Awdal damacsan yihiin in ay ku xusaan shacabkii SNM ku leysay Awdal ayaa diray horgaladisii ka soo jeeday gobolkaa oo uu ku sii raray lacago.

Talabaadaa oo la mid ah tii uu Muuse qaatay kolkii uu ka warhelay kacdoonka Laascaano ayaa bilow  u ah kacdoon ka curta Galbeedka Somaliland.

Wasiiradii lacagta siday ayaa guuldareystay, deetana Muuse ayaa goaamiyay in ciidan lagu caburiyo dhalinta gadoodsan ee walidkood la laayay.

Waxaana shalay la arkayay sawiro muujinaya ciidamda oo la soo dhoobay wadooyinka Boorama isla markaana qabqabanaya dhalin dooneysay in ay xusaan dadkii la laayay.

Xeeldheereyaal badan ayaa noo sheegay in talo xumadan u danbeysay ee Muuse fursad u tahay dadka isbedel doonka ah ee reer Somaliland ee mudada sugayay furfurida xukuumadan reereysan ee lagu xardhay horgaleyaasha.

Isbedel doonka ayaa talo xumada Muuse ee ku wejahan reer Awdal u arka mid soo dedejineysa burburka HEEGO bacdamaa kol hadii ay Galbeedkiina ka bilaabatay.

Reer Awdal oo mudo cabursanaa ayaa xaalada kala qeybsanaanta ee degaanada bartamaha Somaliland iyo kacdoonka Bariga u arka fursad isbedel dhab ah dalka looga fuliyo.

Waxaan sugnaaba waa in caburinta uu Muuse ka sii wado Boorama reer Awdalna ay u kacaan sida reer Laascaanood.

 

Comments are closed