|

Ciidamada Jubaland oo dilay tiro Al Shabaab ah

Kismayo Feb 04, 2023 (QJ) -Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in howlgal qorsheysan ay maanta ka sameeyeen deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo ku dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay oo uu ku jiro hogaamiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Jannaa-Cabdaale iyo deegaanada ku dhow oo lagu magacaabo Xasan Cadde.

Afhayeenka howlgallada Jubbaland, Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhimashada maleeshiyada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalkaasi lagu burburiyay goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Comments are closed